Chelsea oo la kullantay wakiilka hal-doorka AC Milan!

0
1673

Wakiilka laacibka AC Milan ee Suso ayaa kullan la qaatay saraakiil ka socota kooxda Chelsea.

Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona qaabkii ciyaaryahanka loo geyn lahaa horyaalka Premier League-ga.

Xiddigga reer Spain ayaa si xoog leh loola xiriiriyay macallinka xiga ee Chelsea Mr. Maurizio Sarri oo xiddiggan taageero weyn u ah.

CalcioNews24 ayaa daabacday in wakiilka Suso oo lagu magacaabo Alessandro Lucci ayaa la kulmay kooxda Chelsea isagoo xittaa wakiil u difaaca Blues ee Davide Zappacosta.

Balse wakiilka ayaa la fahansanyahay in Chelsea uu kala hadlay qaabkii laacibkii hore ee Liverpool ay kusoo xero gelin lahaayeen kooxda reer England.

Kooxda AC Milan ayaa ganaax laga saaray tartamada qaaradda Yurub maadaama uu qabtay sharciga dhaqaale wanaagga ee FIFA.

Roseneri ayaa ku qasbanaan doonto inay iibiso ciyaartoyda ugu qaalisan si ay xisaabteeda uga dhigto mid siman, waxaana ay ku iibin kartaa qiimo dhan €10m.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan