Barcelona oo maanta la filayo inay ku dhawaaqdo saxiixa Clement Lenglent!

0
1026

Ugu dambeyn, naadiga Barcelona ayaa gacanta la heshay laacibka kooxda Sevilla ee Clement Lenglet oo maanta noqonaya xiddig ka tirsan Barcelona.

Naadiga Macallin Ernesto Valverde ayaa bixineysa qiimaha burburinaya qandaraaska difaacan oo ah 35-million oo Euro.

23-jirka reer France ayaanan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin balse saacadaha soo aaddan ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda Blaugrana isagoo horraan heshiis shan sano ah la galay kooxdiisa cusub.

Kooxda Sevilla ayaa uu hadda kula suganyahay halka lagu magacaabo Benidorm isagoo u safri doono goor dhow magaalada Barcelona halkaas oo lagu soo bandhigi doono.

Lenglent ayaa noqday saxiixii labaad ee ay Barca sameyso xagaagan ka dib Arthur kaasoo maanta lasoo bandhigi doono.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan