Barcelona oo heshiiska shaqsiga ah la gaartay laacibka kooxda PSG!

0
2143
Soccer Football - Champions League - FC Barcelona Press Conference - Stamford Bridge, London, Britain - February 19, 2018 Barcelona coach Ernesto Valverde during the press conference Action Images via Reuters/Matthew Childs

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa si wacan uga kalluumeysaneysa suuqa kala iibsiga ee xagaaga iyagoo ku dhow inay soo xero geliyaan magacyo muhiim u ah safkooda.

Laacibka Paris Saint-Germain ayaa heshiiska shakhsiga ah la galay Barca isagoo doonaya inuu xilli ciyaareedka dambe u ciyaaro naadiga reer Spain.

Xiddiggan oo laga reebay ciyaartoyda koobka adduunka uga qayb galeysa France ayaa iska diiday inuu noqdo ciyaartoyda heeganka ee la isticmaalo haddii safka 23-ka ciyaaryahan ay muhiim u noqdaan.

Rabiot waxaa uu ku jiraa sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, waxaana uu doonayaa inuu ka dhaqaaqo caasimadda France, sidaas darteed, waxa uu go’aansaday inuu aado kooxda Barcelona.

Majaladda Spanish-ka ah ee Sport ayaa werrineysa in laacibka khadka dhexe uu la galay Barcelona heshiis uu toddobaadkii qaadan doono £133,000.

Hooyada dhashay 23-jirkan ahna wakiilkiisa ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsanyihiin Barcelona wax dhib ahna aysan ku qabin, waxaana naadiga Macallin Ernesto Valverde kooxdiisa ay kala hadli doontaa PSG iibka ciyaaryahankan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan