Barcelona oo daraf kaga dheggan laacibka ay Real Madrid ka dhigeyso bedelka Ronaldo!

0
1822

Kooxda Real Madrid ayaa si xoog leh ugu raad joogta saxiixa laacibka kooxda Chelsea ee Eden Hazard si ay uga dhigaan bedelka Ronaldo.

Doonista Hazard ayaa noqotay mid laba geesood ah, maadaama ay xiisahiisa kusoo biirtay kooxda Bracelona.

Majaladda kasoo baxda Spain ee Sport ayaa hoosta ka xarriiqday in Blaugrana ay ka dhigatay laacibka reer Belgium hadafkeeda ugu xooggan ee xagaaga.

Waxa uu soo raaci doonaa Arthur oo kasoo dhaqaaqay kooxda Gremio ee dalka Brazil isagoo shiishka u saaran Blaugrana oo dooneysa weeraryahan tayo sare leh inay kusoo kordhiso safkeeda maadaama ay ku guuldarreysteen saxiixa Antoine Griezmann.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan