AQRISO: 10-Rikoor oo uu Ronaldo ku sameyn karo Juventus iyo kuwo u yaallay oo uu jebin karo!

0
1475

Laacibka cusub ee Juventus, Cristiano Ronaldo ayaa lagu wadaa in wacdarahiisa uu kasii ambaqaado waayihiisa Seri A-da.

Haddaba war bixintan ay qortay Goal.com ku eegi doonnaa rikoorro uu sameyn karo iyo kuwo uu jebin karo Cristiano Ronaldo muddooyinka soo socda ama xilligiisa Bianconeri.

1- Ronaldo ayaa noqon kara laacibkii ugu horreeyay ee ku guuleysta horyaallada Premier League-ga, La Liga iyo Serie A, haddase ma jiro ciyaaryahan horay sidaas sameeyay isaga ayaana noqon kara maadaama Juventus ay awood ku heysato hanashada Scudetto.

2- Ronaldo ayaa noqon kara laacib kale oo ku guuleysta tartanka Champions League-ga isagoo u ciyaarayo saddex koox oo kala duwan, inkastoo xilligan Clarence Seedorf uu yahay mid sidaas sameeyay isagoo tartanka UCL la qaaday Ajax, Real Madrid iyo AC Milan.

3- CR7 ayaa barbarreyn kara ciyaaryahanka ku guuleysta lix mar tartamada Yurub, rikoorkaas ayaa hadda u yaalla halyeygii hore ee Real Madrid, Paco Gento kaasoo Los Blancos la qaaday lix jeer tartanka horyaallada Yurub intii u dhexeesay 1956 illaa 1965.

4- Inuu mar Lixaad ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Oro ayuu Ronaldo sameyn karaa taasoo u noqon doonta rikoor gaar ah, waxaana hadda uu heystaa shan jeer oo ay wadaagaan laacibka ay xifaaltamaan ee Lionel Messi.

5- Ronaldo ayaa mar shanaad hanan kara kabta dahabka ee qaaradda Yurub, waxaana uu hadda heystaa afar jeer, isagoo halkaas jeer u jira inuu soo qabto Lionel Messi oo abaal marintan shan jeer heysta, waxaana uu noqon karaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Serie A ka ciyaara oo abaal marintan ku guuleysta ka dib Francesco Totti oo 26-gool ku qaaday sanad cyaareedkii 2006/07.

6- Cristiano Ronaldo ayaa noqon kara laacibka dhaliya goolasha ugu badan hal xilli ciyaareed ee Serie A, waxaana hadda rikoorkaas heysta laacibka Juventus ee Gonzalo Higuain kaasoo 36-gool meel dhigtay, Ronaldo ayaa fursad u heysta inuu noqdo mid rikoorkaas dhaafo.

7- Waxa uu noqon karaa laacibka goolasha ugu badan ugu dhaliya Juventus dhammaan tartamada, iyadoo hadda Ferenc Herzer.

8- Ronaldo ayaa noqon kara laacibka dhaliya Seddexleyda ugu badan ee Champions League-ga, isagoo hadda meesha ugu sarreysa ee rikoorkas la wadaaga laacibka Barcelona ee Lionel Messi oo ay min toddob jeer oo Champions League Hat-trick heysta.

9- Waxaa horyaalla inuu jabiyo inuu noqdo laacibka dhaliya Hat-trick-yada ugu badan ee Serie A iyadoo hadda Gunnar Nordahl iyo Giuseppe Meazza ay dhaliyeen min 17 jeer.

10- Ronaldo ayaa noqon kara xiddiggii ugu horreeyay ee qaada gool dhalinta horyaallada Premier League-ga, La Liga iyo Serie A.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan