24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

0
3280

Qodobka 1-aad: Daley Blind oo kooxdiisa Man United u ogolaatay inuu naadiga Ajax ku biiro wuxuuna heshiiskan dhameestirmi doonaa 48-saac ee nagu soo fool leh.

Qodobka 2-aad: Nabil Fekir ayaa kooxdiisa Lyon si toos ah kaga codsaday in naadiga Liverpool laga iibiyo sidoo kalena dalabka Reds cusub laga jawaab celiyo oo ah 53-milyan oo pound.

Qodobka 3-aad: Liverpool ayaa la sugayaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska goolhaye Alisson saacadaha nagu soo fool leh kadib markii ay Roma kala heshiiyeen qiimahiisa 60-milyan oo euro ah iyo 5-milyan oo ay gadaal ka bixinayaan sidoo kalena goolhayahan 25-jirkan heshiis 5-sano ah ayuu saxiixayaa asigoo 6-milyan euro ah Anfield ka qaadan doono (Gazette delo Sport)

Qodobka 4-aad: Calciomercato ayaa qortay in Chelsea ku dhow dahay soo qaashada Gonzalo Higuain ayagoo ku qaadanayaan 55-milyan oo euro ah.

Qodobka 5-aad:  Chelsea ayaa dooneyso inay Kante heshiis 5-sano ka saxiixdo sidoo kalena todobaad walbo ay siiso £200,000 ayadoo dooneyso inay xidigan ka celiso naadiga PSG inuu aado.

Qodobka 6-aad: Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuusan ka qayb qaadan doonin kulanka saaxiibtinimo ee Juventus iyo Real Madrid ku dhex mari doono gudaha Mareekanka 5 Aug 2018, madaama Ronaldo 30 July tababarka Juve uu si rasmi ah u bilaabi doono.

Qodobka 7-aad: Juventus ayaa qorsheeneyso inay 70-milyan oo euro ah ka siiso Alex Sandro naadiga Man United kadibna ay 60-milyan euro ah kusoo qaataan Marcelo.

Qodobka 8-aad: Kooxda Fulham ayaaa si rasmi ah ula soo saxiixatay cayaaryahan Jean Michael Seri wuxuuna qalinka ku duugay heshiis afar sano ah waxayna 30-milyan euro ah kaga soo qaateen Nice.

Qodobka 9-aad: Juventus ayaa ku fikireyso inay Marcelo soo qaadato haddii xagaagan uu kooxda isaga tago Alex Sandro oo siweyn Man United loola xariirinaayo.

Qodobka 10-aad: Man United ayaa hogaanka u qabatay loolanka loogu jiro saxiixa Ante Rebic oo xulka Croatia iyo naadiga Eintracht Frankfurt.

Qodobka 11-aad: Daafaca Barcelona Yerry Mina ayaa kusii dhawaanayo ku biiritaanka Everton xili Barcelona ay badalkiisa keensadeen madaama 35-milyan euro ah Clement Lenglet Sevilla kaga soo qaateen.

Qodobka 12-aad: Chelsea ayaa ku kalsoon imaatinka tababare Maurizio Sarri  inuu badali doono go’aanka Willian, Eden Hazard iyo Thibaut Courtois oo rabaan kooxda inay isaga tagaan xagaagan.

Qodobka 13-aad: Juan Cuadrado oo si asluubeesan Cristiano Ronaldo lambarka 7-aad ugu wareejiyay wuxuuna yiri “Inta wax lagu siin lahaa waxaa ka wanaagsan inaad wax bixisid!”

Qodobka 14-aad: Dortmund ayaa si rasmi ah heshiis labo sano amaah ah kusoo qaadatay Achraf Hakimi oo naadiga Real Madrid milkiyadiisa leedahay.

Qodobka 15-aad: Real Madrid ayaa diyaarineyso dalab £50m inay u gudbiso dhigeeda Chelsea sidii goolhaye Thibaut Courtois looga iibin lahaa.

Qodobka 16-aad: Jorginho ayaa London ku sugan si uu tjaabo caafimaad Blues ugu maro ka hor inta aan la xaqiijinin inay Napoli kaga soo qaateen £57m.

Qodobka 17-aad: Tababaraha PSG Thomas Tuchel ayaa sheegay in cayaaryahankiisa Adrian Rabiot uusan ka hor istaagi doonin inuu Barcelona ku biiro ayadoo wada hadalka labada dhinac meel heer sare ah maraayo.

Qodobka 18-aad: Real Madrid ayaa dalab 100-milyan euro ah u gudbineyso dhigeeeda Lazio qaabkii looga iibin lahaa Milinkovic-Savic.

Qodobka 19-aad: Croatia ayaa noqdeen xulka 13-aad ee fiinalaha koobka aduunka soo gaaro ayadoo 2-1 ay guusha kaga qaateen xulka Ingiriiska waxaana cayaarta go’aamiyay Mario Mandzukic kadib markii 30-daqiiqo dheeri ah lagu daray.

Fadlan Share Garee Sidoo Kalena Fikirkaaga ka dhiibo qodobkii kusoo jiitay.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan