Arsenal Oo Si Lama Filan Ah Ugu Dhaqaaqday Weeraryahanka Kooxda Roma Ee….

0
1708

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaday laacibka dhallinyarada ah ee kooxda AS Roma, kaasoo lagu magaacbo Under Cengiz.

Gunners ayaa laacibkan ku dooneysa £26m, balse kooxda ka dhisan caasimadda Italy ayaa dalbaneysa lacag ku dhow £44m, oo ay uga samri karto laacibka reer Turkey.

Tan iyo markii Arsenal iibisay Alexis Sanchez iyo Theo Walcott, waxa ay aad u dareentay baahi ka heysata weerar, gaar ahaan garabka midig, waxa ayna 20-jirka Roma u ciyaara ay u aragtaa inuu yahay midka ku habboon booskaas.

Sida ay daabaceyso Tuttomercato, kooxda ka dhisan wuqooyiga London ayaa caddeesay in Under uu yahay laacibka ugu muhiimsan oo ay doonayaan, waxa ayna miiska u saarayaan kooxda Giallorossi lacag dhan £26m, balse waxaa la fahansanyahay inaysan aqbali doonin maamulka kooxda Serie A-da ciyaarta.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan