SHAXDA Macquulka ah ee ay Kooxda Liverpool caawa ku wajihi karto AS Roma oo la sii shaaciyey

0
712

Kooxda kubadda Liverpool ayaa caawa booqanaysa caasimadda Talyaaniga ku halkaasoo ay kula ciyaari doonto AS Roma lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League.

Kooxda ka dhisan Ingiriiska ayaa indhaha ku haysa inay gaarto Final-ka Champions League markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2007-dii, marka ay caawa ku dheeleyso garoonka Stadio Olimpico.

Reds ayaa faa’iido haysata maadaama kulankii hore ee ka dhacay garoonkeeda ay 5-0 ku hoggaamisay Roma, inkastoo kooxda reer Talyaani ay labo gool ka soo dhalisay kulankii ka dhacay garoonka Anfield siddeed maalmood ka hor.

Kooxda Liverpool oo doonaysa inay iska xaadiriso final-ka Champions League ayaa rabta inay garoonkaas ugu yaraan ka fogaato in goolal badan looga dhaliyo, balse waxa ay caawa tijaabo culus marayaan caasimadda Talyaaniga, halkaas lagu reebay Barcelona heerkiisii siddeed dhammaadka tartankan.

Reds waxaa dhaawac uga maqan kujalnkan, Joel Matip oo ka dhaawacan boqdada, Emre Can oo dhaawac ka qaba dhabarka, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Joe Gomez oo dhaawacyo jilibka ah ku seegaya kulankan.

Kooxda reer England waxaa kulankan shaki laga gelinayaa Adam Lallana, Trent Alexander-Arnold iyo Jordan Henderson.

SHAXDA SUURO-GALKA AH OO AY REDS KALA HORTAGAYSO CAAWA NAADIGA ROMA:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan