Maanta oo kale 9-sano ka hor waa maalintii El Classico Barcelona nus darsin goolal ku xaaqday Real Madrid (+video)

0
2986

 

Maanta oo kale 9-sano ka hor ama 2 May 2009 kooxda Barcelona waxay 6-2 ku xaaqday naadiga Real Madrid kulan ka tirsanaa La Ligaha Spain.

Kulankan Santiago Bernabéu lagu cayaaray Real Madrid waxaa loo dhigay cashar aysan iloobi karin ayadoo ay goolasha ka dhaliyeen Henry (18,56), Puyol (20), Messi (36,75) iyo Pique (83).

Real Madrid oo garoonkeeda lagu ceebeestay kulankan El Classico ahaa waxaa goolasha u dhaliyeen Higuain (14) iyo Sergio Ramos (56).

Cayaartan waxaa xidiga garoonka noqday Xavi Hernandez oo 4-gool caawinaad ka geestay sidoo kalena khadka dhexe Real Madrid ku bar bartay.

Barcelona xili cayaareedkan waxay isku qaaday sedexleey koobab ah waxaana xili cayaareedkii kowaad ee Pep Guardiola kooxdan macalin u noqday.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska oo dhameestian kulanka taariikhiga ah maanta oo kale Barcelona 6-2 ku dubatay dhigeeda Real Madrid mudo 9-sano ka hor:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan