Waa sidee rikoorka Lionel Messi kulamada uu wajahay Kooxda Celta Vigo ka hor kulanka Caawa ee La Liga?

0
802

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa caawa ciyaareysa kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waxaana ay booqan doontaa Celta Vigo.

Barcelona ayaa afar dhibcood u jirsan doonta ku guuleysiga horyaalka La Liga haddii ay caawa Balaidos guul kaga soo gaarto Celta Vigo.

Catalan ayaa weli guuldarro la’aan ah xilli ciyaareedkan horyaalka Spain, iyadoo aan dhinaceeda dhulka la barin 39-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

Xiddiga furaha u ah kooxdaas ee Lionel Messi ayaa isaguna doonaya inuu sii dheereysto caawa hoggaanka gool dhalinta La Liga, isagoo haatan ku hoggaaminaya 29-gool, waxaana ku soo xiga Suarez iyo CR7 oo min 23-gool leh.

Laacibka shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa shaki laga gelinayaa kulanka caawa, waxaana loo badinayaa inuusan ku soo bilaaban doonin, laakiin waxaa la filayaa inuu ka qeyb qaadan karo.

Haddaba Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Leo Messi waxa uu ka hortagay Celta Vigo 13-jeer, waxaana uu guul ka helay 9-jeer, isagoo guuldarro kala kulmay 2-jeer, halka 2 kale uu barbaro la galay.

Mudadaas Messi waxa uu ka dhaliyey kooxda Celta Vigo 9 gool, waxaana uu ku dhiibay ama ku caawiyey 9 gool oo kale.

RIKOORKA MESSI EE CELTA VIGO:-

Kulamada: 13-kulan

Guulaha: 9-kulan

Barbaraha: 2-kulan

Guuldarrada: 2-kulan

Goolasha: 9-gool

Caawinta: 9-gool

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan