Sergio Aguero oo halis ku jiro inuu koobka aduunka seego madaama qaliin jilibka lagu sameenayo

0
734

 

Sergio Aguero ayaa la xaqiijiyay in qaliin jilibka looga sameenayo sidoo kalena inta xili cayaareedkan ka harsan Man City u cayaari doonin.

Macalin Guardiola ayaa walaac ka muujiyay qaliinka Sergio Aguero lagu sameyn doono asigoo soo laabashadiisa cayimin balse waxaa loo badinaa in ugu yaraan labo bilood garoomada ka maqnaan doono.

Tabaraha xulka Argentina Jorge Sampoalli ayaa walaac ka muujiyay qaliinka Aguero lagu sameenayo madaama koobka aduunka bilaabashadiisa ka harsan tahay wax ka yar labo bilood.

Sidaa darteed Aguero waxaa loo badinaa in liiska xidigaha xulka Argentina koobka aduunka u matalaayo laga reebi doono haddii ay xaqiiqo noqoto qaliinkiisa jilibka inuu kasoo labto ay labo bilood qaadan doonto.

Aguero oo 29-jir ah xulka Argentina wuxuu u cayaaray 84-kulan asigoo u dhaliyay 36-gool wuxuuna ku hami weyn yahay xagaagan koobka aduunka inuu xulkiisa kala qayb qaato.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan