RASMI: Kooxda Bayern Munich oo xaqiijisay in xilli ciyaareedkii Arturo Vidal uu soo dhammaaday kaddib markii…

0
1116

Xilli ciyaareedkii Arturo Vidal ayaa soo dhammaaday sida ay maanta xaqiijisay kooxdiisa Bayern Munich.

Kooxda reer Jarmal ayaa sheegay in Arturo Vidal oo qalliin looga sameeyey Jilibka uu garoomada ka maqnaan doono Inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Laacibka Khadka dhexe ee Arturo Vidal ayaa dhaawac Jilibka ah oo ku soo laa-laabtay kaddib waxaa la go’aansaday in qalliin looga sameeyo, kooxdiisa Bayern ayaana xaqiijisay in qalliin shalay looga sameeyey xiddiga xulka qaranka Chile uu garoomada seejin doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Kooxda xilli ciyaareedkan 2017-18 ku guuleysatay horyaalka Bundesliga dalka Jarmalka ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay warkan.

Bayern Munich waxa ay Twitter-keeda ku soo qortay goordhow: “Dhaqso u soo caafimaad boqor Arturo23!.”

“Vidal waxaa shalay qalliin looga sameeyey Jilibka, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedka.”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan