PSG oo dooneyso inay dhabarka ka toogato Real Madrid ayadoo xidig muhiim ah ka dooneyso

0
1639

 

Kooxda PSG ayaa la sheegay inay qal qaalo xoogan ugu jirto sidii cayaaryahan Casemiro ay Real Madrid xagaagan kaga soo qaadan laheyd.

Casemiro ayaa ka mid ah xidigaha Madrid ugu muhiimsan waxayna PSG dooneysaa inay booska Thiago Motta oo 34-jir ah.

AS ayaa qortay in Casemiro qandaraaskiisa lagu jebin karo €200m (£173m) ay PSG wax walbo sameyn doonto sidii ay xagaagan gacanta ugu soo dhigi laheyd.

Waxaa macquul ah in xitaa PSG dalbato in Casemiro qayb ka noqdo heshiiska Neymar Real Madrid ku aadayo xagaagan haddii la isku waafaqo sida Football France qortay.

Casemiro ayaa kusoo baxay cayaaryahan khadka dhexe Real Madrid u maamulo oo si joogto ah ugu cayaaro balse Paris waxay cayaaryahan kusoo jiidaneysaa mushaar heer sare ah madaama uu ka mid yahay xidigaha Madrid ugu mushaarka yar.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan