Labo cayaaryahan muhiim ah ayaa Liverpool usoo laaban doonaan ka hor kulanka Roma

0
1931

 

Kooxda Liverpool dhibaato dhaawacyo ah ayaa ragaadiyeen todobaadyadii ugu dambeesay inkastoo naadiga Klopp hogaamiyo guulo wacan gaarayaan.

Liverpool waxay 10-dhibcood ka sareeyaan kooxda Chelsea oo booska 5-aad kala sareynta EPL fadhiso sidoo kalena Reds waxay taagan tahay Semi Fiinaalaha Champion-ka oo ay todobaadka dambe la cayaari doonaan AS Roma.

Tababare Jurgen Klopp ayaa Liverpool Echo iyo Sky Sports u sheegay in Dejan Lovren iyo Joe Gomez kooxda dib ugu soo laabanayaan sidoo kalena kulanka Roma ka qayb qaadan karaan.

Liverpool labo gool kaliya ayaa laga dhaliyay 6-kulan ee ugu dambeesay sidoo kalena saxiixa Virgil van Dijk iyo goolhaye Lauris Karuis oo bandhig wacan sameenayo ayaa Reds ka caawiyeen in daafaceeda xasilooni helo.

Liverpool waxaa dhaawac waqti dheer weli ka maqnaan doonaan Joel Matip, Adam Lallana iyo Emre Can oo kooxdan muhiim u ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan