Kooxda Man United oo kaliya iibinaysa xiddigeeda Anthony Martial haddii loo gacan geliyo lacagtaan

0
1363

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay magacawday qiimaha lacageed oo ay doonayso haddii ay iska iibinayso xiddigeeda Anthony Martial.

Red Devils ayaa kaliya iibin doonta xiddiga xulka qaranka Faransiiska haddii laga soo gudbiyo ugu yaraan dalab ku kacaya adduun dhan 50 milyan oo euros oo u dhiganta 43 milyan oo gini, sidaas waxaa warinaya Warsidaha Calciomercato.

Martial ayaa la sheegay inuu doonayo inuu isaga tago kooxda ka dhisan Old Trafford kaddib markii uu hoos uga dhacday xulashada safka hore ee kooxda tababare Jose Mourinho.

Waxa uu Martial bartilmaameed u yahay haatan kooxo waa-weyn oo ka dhisan qaaradda Yurub oo ay ku jiraan Juventus, Bayern Munich iyo Barcelona.

22-sano jirkaan ayaa geli doona sanadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa xilli ciyaareedka soo socda, Man United ayaana iska iibin karta si ay uga fogaato inuu kaga tago beeca xorta ah marka uu heshiiskiisu dhammaado.

Martial ayaa kaliya ku soo bilowday 16 kulan safka hore kooxda tababare Jose Mourinho ee Red Devils xilli ciyaareedkan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan