Kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo iskula dheggan saxiixa 21-jir gool ka dhaliyey Gunners

0
1284

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay dhiggeeda Arsenal kula tartan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee naadiga CSKA Moscow, Aleksandr Golovin.

Milkiilaha kooxda Blues ee Roman Abramovich ayaa qorsheynaya in xiddigan xulka qaranka Ruushka uu keensado garoonka Stamford Bridge, sidaas waxaa warinaya Warsidaha Sport24.

Arsenal ayaa horay loo wariyey inay rag u soo daawada u dirsatay 21-sano jirkaan xilli ciyaareedkan, inkastoo tababaraha Gunners ee Arsene Wenger uu dhawaan hoos u dhigay wararka sheegaya inuu diyaar u yahay inuu dalab ka gudbiyo ciyaaryahankan.

Golovin ayaa gool dhaliyey ka dhaliyey Gunners, markii ay la ciyaarayeen CSKA siddeed dhammaadka Europa League, inkastoo kooxda reer England ay cel-celis ahaan ku soo baxday 6-3.

Laacibkan khadka dhexe ayaa 17 kulan u ciyaaray xulkiisa qaranka Ruushka, waxaana la filayaa inuu ka mid noqon doono shaxda xulkaas u matalaya Koobka Adduunka sanadkan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan