Difaaca Chelsea ee Marcos Alonso oo dacwad lagu soo oogay – Waxa uu sugi doonaa kulamo ganaax ah

0
718

Difaaca kooxda kubadda cagta Chelsea ee Marcos Alonso ayaa dacwad lagu soo oogay kaddib markii uu muruqa dambe ee lugta kaga joogsaday Weeraryahanka kooxda Southampton ee Shane Long kulankii labada kooxood ay ku ciyaareen St Mary.

Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa dacwadaas ku soo oogay Marcos Alonso, kaddib markii uu si xun ugu joogsaday Shane Long, waxaana uu la kulmi karaa kulamo ganaax ah.

Falka uu sameeyey Marcos Alonso ayaa dhacay intii lagu guda jiray kulankii Premier League oo ay Blues ku badisay 3-2, laakiin xiriirka FA-ga ayaa dacwad ku soo oogay difaaca Chelsea kaddib markii ay dib u daawadeen ficilkii uu ku kacay kulankaas.

Marcos Alonso ayaa haysta illaa 6:00 maqribnimo ee berri oo Arbaco ah si uu uga soo jawaabo dacwadda lagu soo oogay.

Haddii falkan lagu helo Marcos Alonso ayaa la kulmi kaara saddex kulan oo ganaax ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan