Sidee Dadka Ugu Caansan Kubadda Cagta Kaga Hadleen Hanashada Man City Ee Horyaalka Premier League?

0
1656

Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League, iyadoo Manchester United ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay kooxda West Bromwich Albion.

United oo kaalinta labaad ku jirta ayaa haatan 16 dhibcood ka dambeysa kooxda Pep Guardiola, iyadoo keliya shan kulan uu ka haray xili ciyaareedka oo dhan.

Waa horyaalka seddexaad ee City qaado todobo xilli ciyaareed gudahood, waana horyaalkii shanaad oo ay qaadeen taariikhda oo dhan.

Waa markii ugu horeysay Pep Guardiola oo ah macalin Spain ah hanto Premier League kaliya xilli ciyaareedkiisii labaad e kubadda cagta England.

Waxa ay hanteen tartanka horyaalka, iyagoo dhaliyay 93 gool, islamarkaana labo jeer kaliya laga badiyay xili ciyaareedka gabagabada ah.

Horyaalka Premier League waa koobkii 24aad ee uu qaado tababarihii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich.

47 jirkaan ayaa horey ugu guuleystay koobabka Spain iyo Germany, iyo sidoo kale labo koob oo Champions League ah waqtigiisii Barcelona.

Sida dadka ugu caansan kubadda cagta kaga hadleen guusha Man City

Kabtanka Man City Vincent Kompany ayaa yiri: “Waa dareen isku mid ah marka ugu horeysay ee aad hanato koob .” Waa wax cajiib ah, guulo waa weyn, waana ku faraxsanahay kooxda iyo qof walba oo ku lug leh guushaan.

Xilli ciyaareedkan oo dhan waxaan awoodnay inaan heerka sarre ku ciyaarno, waana taas sababta aan ugu guuleysanay koobkaan.

Chris Sutton oo ah weeraryahankii hore ee Chelsea, ayaa yiri: “Manchester City ayaa u qalantay horyaalka, qaab ciyaareedkoodii kubada cagta xilli ciyaareedkan ma aheyn mid qarsoon.

“Waxa ay dhaliyeen goolal badan, waxaana heysta tababare cajiib ah, kubbada cagta ayay isha ku hayeen markasta, waxaana ay aheyd wax qof walba ogaa in tani dhaceyso.

“Old Trafford wuxuu ahaa Tiyaatarka horyaalka u xaqiijiyay City”waana taas waxa ugu muhiimsan ayuu hadalkiisa ku daray.

Ian Wright, weeraryahankii hore ee England iyo Arsenal, ayaa yiri: “Waxay ahaayeen kuwo cajiib ah, Guardiola ayaa keenay ciyaartoyda saxda ah ee guusha ka dambeeyay, waxa ay aheyd xilli ciyaareed weyn oo ay laheyd City.

“Goolhayaha iyo Kyle Walker ayaaa kamid ahaa raga sida weyn kaga qeyb qaatay guusha horyaalka ee Manchester City ayuu hadalkiisa ku daray.

Leon Osman, ciyaaryahankii hore ee Everton ayaa yiri: “Xaqiiqdii waxay u qalantay City horyaalka” “Waa xilli cajiib ah xilli ciyaareedkan, xaqiiqda waa taas,

10kii kulan ee ugu horeyay horyaalka waxay aheyd mid cajiib ah, runtii waa xili ciyaareed aan la aamini Karin ayuu hadalkiisa racaiyay Leon Osman.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan