Roma Oo Bayaan Kasoo Saartay Mustaqbalka Goolhayaha Qaarada Yurub Loogu Doonista Badan Yahay Ee Alisson Becker

0
1062

Madaxweynaha kooxda Roma James Pallotta ayaa sheegay in Alisson Becker uusan iib ka aheyn kooxdiisa.

Alisson waxaa doonaya kooxaha Liverpool, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid kadib bandhigiisa soo jeedashada leh ee Roma.

Madaxweyne Pallotta ayaa yiri: “Ma fahmo sababta ay dadku i weydiinayaan haddii Alisson uu ka tagi doono kooxda xilli ciyaareedka soo aadan, ma rabno inaan iibino, Fursad uma heyno kooxaha doonaya isaga.

“Waxaan u maleyneynaa inuu ahaa goolhaye weyn markii aan la saxiixanay, sidaasi darteedna ma jirto sabab aan u iibino.”

Pallotta oo u dabaaldegay guushii ay Roma ka gaartay Barcelona wuxuu la kulmay duqa magaalada Rome Virginia Raggi si uu ugala hadlo mashruuca lagu dhiso garoon u gaar ah kooxdiisa.

“Waxaan ka hadalnay wax ka badan wixii kale ee ku saabsan dhismaha garoonka waan faahfaahin doonaa.

Giallorossi ayaa Liverpool kula kulmi doonta semi-finalka tartanka Champions League.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan