Rasmi: Bayern Munich oo xaqiijisay in Vidal qaliin dhanka jilibka looga sameyn doono

0
822

 

Tababaraha kooxda Bayern Munich Jupp Heynckes ayaa saxaafada si rasmi ah ugu xaqiijiyay in Arturo Vidal qaliin yar dhanka jilibka looga sameyn doono.

Vidal dhaawac ayaa soo gaaray maalintii shalay ahayd xili uu tababarka Bayern ku jiray waxaana laga cabsi qabay inuu mudo dheer garoomada ka maqnaado.

Macalin Jupp Heynckes wuxuu yiri “Vidal dhaawac yar ayaa dhanka jilibka midig kasoo gaaray waxaana lagu sameenayaa qaliin asigoo mudo kooban maqnaan doono”

“Hal mid ayaan idiin xaqiin karaa in Vidal uu yahay dagaal yahay si dhaqsi ahna usoo kaban doono”

Bayern ayaa habeen dambe Semi Fiilaha DFB Cup la cayaareyso naadiga Leverkusen sidoo kalena Vidal waxay u badan tahay inuu kooxdiisa ka maqnaan doono labada lugu Semi Fiinaalaha Champion-ka oo ay la cayaari doonaan Real Madrid.

25-ka April ayaa lugta kowaad Semi Fiinaalaha lagu cayaarayaa Allianz Arena halka todobaad kadib Bayern iyo Real ku kala bixi doonaan garoonka Bernabue.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan