Mo Salah Oo Sharaxay Qaabka Ay Ugu Kala Muhiimsan Yihiin Bilaha Horyaala Xili Ciyaareedkaaan

0
1584

Mohamed Salah wuxuu doonayaa inuu noqdo halyeeyga Liverpool isagoo hami ka leh ku guuleysiga Champions League iyo gooldhaliyaha ugu sareeya Premier League.

Salah ayaa 30 gool oo Premier League dhaliyay xilli ciyaareedkan, wuxuuna shan gool ka sareeyaa ninka ku soo xiga ee Tottenham weerarka kaga ciyaara ee Harry Kane.

Wadar ahaan wuxuu dhaliyay 40 gool tartamada oo dhan, isagoo noqday dhaliyaha saddexada ee ugu sareeya hal xili kooxda Reds kadib Roger Hunt iyo Ian Rush.

Haddii qaabab kale oo qurx badan aan soo bandhigo, waxa ay xoojineysaa dareenkayga aan kula tartamo abaalamrinta PFA xiddiga Manchester City Kevin de Bruyne.

Laakiin Salah ayaa sheegay in muhiim gaar ah marka hore uu siinayo ku guuleysiga tartanka Champions League.

Inaan ku guuleysano Champions League waa waxa noogu weyn koox ahaan, Anigu ma daneeyo inta kale marka laga reebo tartanka Yurub” ayuu yiri Salah.

Salah ayaa u baahan siddeed gool si uu u javiyo rikoorka Rush oo 47 gool dhaliyay xili ciyaareedkii 1983-84 markaasoo Liverpool ku guuleysatay horyaalka iyo Champions League.

“Waa wax aad u dhaw, waa todobo gool, Laakiin aan aragno waxa dhaca! “Ayuu yiri Salah.

Liverpool ayaa lix dhibcood kaga baahan kulamada ugu dambeeya horyaalka oo ay ka hor imaanayaan kooxaha West Brom, Stoke, Chelsea iyo Brighton si ay u xaqiijiyaan booskooda Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan