Marco Verratti Iyo Carlo Ancelotti Oo Kawada Shaqeyn Doono Meel Aan Aheyn Kooxda PSG

0
1636

Marco Verratti ayaa sheegay in tababare Carlo Ancelotti la wareegi doono shaqada xulka qaranka Talyaaniga.

Verratti wuxuu kasoo hoos ciyaaray tababarihii hore ee Juventus iyo PSG, laakiin haatan wuxuu dareensan yahay inuu kula midoobi karo xulka qaranka Italy.

“Waxaan ciyaaray kulankii ugu horeeyay Champions League, iyadoo Ancelotti tababare ii ahaa, wax badan ayuu iga caawiyay maskax ahaan,” ayuu yiri.

“Waxa uu sidoo kale iga caawiyey inaan garoonka ka dhaxmuuqdo, islamarkaana aan noqdo qof muhim ah.

“Waan arki doonaa hadii uu markale igala shaqeeyo xulka Italy,  xaqiiqdii waan jeclaan lahaa inuu noqdo tababaraha xulka” ayuu yiri Marco Verratti.

Carlo Ancelotti oo haatan shaqo la’aan ah wuxuu kamid ah yahay dhowr tababare oo lala xiriirinayo shaqada kooxda PSG, inkastoo sidookale loosoo bandhigay shaqada xulka Italy.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan