Madaxwayne Florentino Prez Oo Aqbalay In Modric Ka Tago Real Madrid – Yaa Qaadan Kara Arsenal & Liverpool?

0
1679

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa haatan ogolaaday inuu Luka Modric ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Florentino ayaa ka soo horjeesatay in halyeeygaan loo ogolaado, heshiis uu kula sii joogayo xili ciyaareed kale kooxda.

Shabakadda Don Balon ayaa sheegtay in madaxweynaha Real Madrid haatan uu go’aansaday inuu fasaxo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Croatia.

33 jirkaan Modric wuxuu dareensan yahay inuu soo idlaaday waqtigiisii caasimada Spain islamarkaana uu u baahan yahay inuu helo kooxda cusub.

Modric ayaa lagu soo waramayaa inuu ku laaban karo Premier League, iyadoo kooxdiisii hore ee Tottenham ay dooneyso inay dib usoo ceshato.

Arsenal iyo Liverpool ayaa sidoo kale weydiistay Real Madrid in loo sheego qiimo lagu heli karo ciyaaryahanka khadka dhaxe.

Florentino ayaa doonaya 60 milyan oo gini haddii Modric ka tagayo kooxdiisa dhamaadka xili ciyaareedkaan.

Dhanka kale, ciyaaryahanka ayaa haatan ku faraxsan inuu ku biiro Liverpool oo tartanka ugu jirta ku guuleysiga Champions League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan