Laba Kamid Ah Ciyaartooyda Barcelona Oo Caqabad Ku Ah Qorshaha Man Utd Kula Wareegeyso Samuel Umtiti

0
1565

Daafaca kooxda Barcelona Samuel Umtiti ayaa cadaadis xoogan oo ku aadan mustaqbalkiisa aan kala cadeyn kala kulmaya qaar kamid ah saxiibadiisa kooxda.

Ka dib markii Barcelona ay Champions League kasoo saartay Rome, Gerard Pique iyo Sergio Busquets ayaa doonaya in Umtiti uu cadeeyo mowqifka ku aadan mustaqbalkiisa.

Kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ayaa ceyrsanaya daafaan oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 60 milyan euro.

Pique iyo Busquets ayaa ka codsaday Umtiti inuu u cadeeyo shaqaalaha kooxda iyo ciyaartoyda mustaqbalkiisa.

“Wuxuu u muuqdaa inuu kaliya ka fakirayo naftiisa, laakiin Dareenkiisa ayaa isbedelay toddobaadyadii lasoo dhaafay sida ilow wareedyo ay sheegayaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan