Kooxda Man United oo dariskeeda Man City ugu hambalyeysay hanashada horyaalka Premier League

0
415

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kooxda ay deris wadaagga yihiin ee Manchester City ugu habalyeysay hanashada horyaalka Premier League.

Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay xalay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18, kaddib markii kooxda ku soo xigtay ee Man United ay guuldarro 1-0 kala kulantay West Brom.

Waa markii shanaad oo ay Manchester City qaato horyaalka Ingiriiska kaddib xilli ciyaareedyadii 1936–37, 1967–68, 2011–12, 2013–14.

Sidoo kale waxa ay Man City noqotay kooxda labaad ee ku guuleysata horyaalka Ingiriiska iyadoo uu shan kulan ka harsan yahay kaddib Man United oo sidaa oo kale horay u sameysay xilli ciyaareedkii 2000/01.

Kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford ee Man Utd ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ugu hambalyeysay kooxda ay ka wada dhisan yihiin Magaalada Manchester ee Sky Blue hanashada horyaalka Premier League.

“Hambalyo Manchester City ku guuleysigiina horyaalka Premier League” ayuu u dhignaa qoraal kooban oo ay Man United ku soo daabacday barteeda Twitter-ka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan