Juventus oo dadaal ugu jirto saxiixa daafaha garabka bidix Filipe Luis

0
435

 

Warbixinada ka imaanayaan magaalada Turin waxay sheegayaan in Juventus ay dadaal ugu jirto helista xagaagan daafaca waaya araga ah ee garabka bidix ka cayaaro Filipe Luis.

Filipe Luis oo Atletico Madrid kaga soo biiray naadiga Deportivo sanadii 2010 ayaa waaya arag ku ah garabka bidix waxaana xusid mudan in xili cayaareedkii 2014/15 uu Chelsea waqti ku qaatay balse Atletico dib ugu soo laabtay.

32-jirkaan weli Atletico muhiim ayuu u yahay balse xili cayaareedkan dhaawacyo ayaa ragaadiyeen taasi oo sababtay in Lucas Hernandez booskiisa buuxiyo.

Gazzetta dello Sport ayaa qortay in Juve ay toos ula xariirtay wakiilka Luis waxayna kalsooni ku qabtaa xili cayaareedka dambe 2018/19 daafacan waaya araga ah adeegiisa inay heli karaan madaama qandaraaskiisa Atletico 12-bilood ka harsan yahay.

Felipe Luis maalmo ka hor ayuu tababarka Atletico kusoo laabtay kadib markii uu kasoo kabtay dhaawac jab lugta ah oo uu garoomada kaga maqnaa mudo bil ka badan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan