Jose Mourinho Oo Waqti Hore Ka Hadlay Xaalada Suuqa Kooxdiisa Iyo Xiddigaha Ay U baahan Yihiin

0
1153

Jose Mourinho ayaa ku adkeysanaya in Manchester United aysan wax waali ah ka sameyn doonin suuqa kala iibsiga xagaaga.

United ayaa la filayaa inay mar kale soo iibsato xiddig muhiim ah kadib Alexis Sanchez oo kusoo biiray bishii Janaayo.

Mourinho ayaa doonaya inuu xoojiyo qadka dhexe iyo daafaca kooxdiisa isagoo u baahan ugu yaraan hal daafac dhexe.

“Ma dooneyno inaan wax badan suuqa ka sameyno, ” ayuu yiri Mourinho yiri. “Waxaan isku dayeynaa inaan horumarino marxaldeena suuqa.

“Qof walba waxa uu isku dayi doonaa inuu horumar sameeyo, xilli ciyaareedkii hore waxaan ku dhameysanay booska lixaad, xilli ciyaareedkan waxaan rajeyneynaa inaan helno booska labaad.

“Xilliga soo socda, waxaan isku dayi doonaa inaan horumarino awoodeena, laakiin aan aragno waxa dhacaya” Laga yaabee inay sidoo kale City maalgashi xoog leh sameysoā€¯ ayuu yiri Morinho.

“Ma ahan aniga iyo iyaga kaliya inaan tartameyno, Liverpool, Arsenal, Chelsea iyo Spurs ayaa sidookale dagaalka kujira “ayuu hadalkiisa raaciyay tababare Mourinh.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan