Doorasho Lama Filaan Ah: Neymar Jr Oo Kala Doortay Kooxaha Manchester United Iyo Real Madrid

0
3590

Xiddiga PSG Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu ku biiro Manchester United ka dib markii Real Madrid ay soo bandhigi weyday qorshe qanciya.

Neymar ayaa laga yaabaa inuu ka tago PSG, iyadoo Manchester United iyo Real Madrid ay labaduba doonayaan inay dalab ka gudbiyaan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa lagu soo waramayaa inuu miisaamayo ka tagista Parc des Princes, inkastoo uu ku biiray kaliya xagaagii hore.

United ayaa dooneysa inay dib u dhisto kooxdeeda, iyadoo Jose Mourinho uu go’aansaday inuu la tartano Manchester City xilli ciyaareedka soo aadan.

Wargeyska reer Spain ee Don Balon ayaa sheegay in Neymar uu doonayo inuu u dhaqaaqo garoonka Old Trafford.

Waxaa la aaminsan yahay in Real Madrid ay xiiseyneyso ciyaaryahanka, laakiin uusan ka helin qorshe uu ku qanci karo isaga, taasoo ku qasbeysa inuu doorto Manchester United.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan