AC Milan Oo Ka Cabsaneysa Bixitaanka Goolhaye Donnarumma

0
800

Maamulka AC Milan ayaa ka cabsi qabta in goolhaye Gigio Donnarumma uu ka tago garoonka San Siro dhamaadka xili ciyaareedkaan.

Donnarumma ayaa shabaqa ilaashatay kulankii kooxdiisa barbaraha 0-0 la gashay Napoli toddobaadkaan.

Pepe Reina uu ayaa loo arkaa bedelka saxda ah ee goolhayaha qaranka Italy Donnarumma.

Wargeyska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in Milan aysan dooneynin inay lumiso Donnarumma, laakiin waxay dhageysan doontaa dalabyada u imaanaya xagaagan.

Wakiilka goolhayahaan Mino Raiola, ayaa durbadiiba kala hadlay mustaqbalka wiilkaan maamulka Milan.

Mino Raiola oo xiriir fiican la leh kooxaha waaweyn ee qaarada yurub wuxuu wadaa qorshe da’yaarkaan looga dhaqaajinayo San Siro.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan