Xidigaha Man City ku sugan kuwa bilada Premier League la siin doono iyo kuwa aan la siin doonin

0
2014

 

Kooxda Man City waxay ku guuleesteen horyaalka Ingiriiska weliba kooxdan waxay EPL hanatay ayadoo 5-kulan ka harsan tahay.

Man City waxay u badan tahay in koobka horyaalka Ingiriiska la gudoonsiin doono 6 bisha May kulanka ugu dambeeyo ay garoonkeeda ku cayaareyso sidoo kalena ay wajaheyso Huddersfield Town.

Kabtan Kompany ayaa koobka sare u qaadi doono waxayna u noqon doontaa markii 3-aad ee uu EPL sare u qaado waxaana ka badan sare u qaadista horyaalkan kabtanada John Terry (5-jeer sare u qaaday) iyo Roy Keane (4-jeer sare u qaaday).

Yaa Heli Doono Bilada Qoorta Loo Galin Doono Guuleestayaasha EPL:

Sharciga FA-ga wuxuu dhigayaa in cayaaryahanka 5-kulan ugu yaraan EPL cayaaro si bilada horyaalka qoorta loogu galiyo haddii kooxdiisa qaado.

Man City 40-biladood ayay xaq u leeyihiin sidaa darteed cayaaryahankii 5-kulan ka yar cayaaro EPL bilada qoorta looma galin doono.

Fadlan hoos ka eeg cayaartooyda Man City iyo mid walbo kulamada uu EPL cayaaray xili cayaareedkan:

  • Ederson – 33
  • Kevin De Bruyne – 33
  • Nicolas Otamendi – 32
  • Bernardo Silva – 31
  • Fernandinho – 30
  • Kyle Walker – 30
  • Raheem Sterling – 29
  • Leroy Sane – 28
  • David Silva – 27
  • Sergio Aguero – 25
  • Ilkay Gundogan – 25
  • Gabriel Jesus – 24
  • Danilo – 19
  • Fabian Delph – 18
  • John Stones – 16
  • Vincent Kompany – 15
  • Oleksandr Zinchenko – 7
  • Yaya Toure – 7
  • Aymeric Laporte – 5
  • Benjamin Mendy – 4
  • Brahim Diaz – 3
  • Phil Foden – 3
  • Claudio Bravo – 1
SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan