Seria A: Lazio oo diiday in Caasimada Roma mar kale laga dabaal dago shan cisho gudahood.

1
1468

Labadaaani caasimadba waxaa ay u dagalamayaan booska saddexaad ee kala sareynta horyaalka Seria A.

Giallorossi waxaa ay taariikh kusoo dhigtay Barcelona kulankii ugu dambeeyay ay ciyaartay dhamaan tartamada, sidoo kale Lazio ayaa isku celcelis ahaan 5-3 kaga soo baxday kooxda RB Salzburg.

Roma waxaa ay weysay Diego Perotti iyo Gregoire Defrel, halka Alessandro Florenzi uu ka maqnaa ciyaarta balse waxaa ay ilaaliyeen shaxdooda kuwaasoo qaab ciyaareyd ah 3-4-2-1 kusoo galay garoonka.

 

isku dayo kala duwan ayey sameeyeen labada dhinac balse ciyaarta waxa ay kusoo idlaatay bar baro 0-0 ah oo ay isla dhaafi waayeen.

waa isku dhibco 61-dhibcood ayey isla leeyihiin min 32-kulan ay ciyaareen labada kooxoodba.

balse xaga gool dhalinta waxaa 9-gool sareysa Lazio, maadama ay 35-gool oo farqi ah usoo haray halka Roma ay 24-gool usoo hareyso markii farqiga goolasha laga dhaliyey laga jaro kuwa ay dhalisay.

SHARE

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan