Rikooradii laga diiwaan geliyey kulankii kooxda West Bromwich Albion ay Man United guusha kaga gaartay Old Trafford

0
882

Kooxaha West Bromwich Albion ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League waxa ay caawa 1-0 uga adkaatay Manchester United oo ku dheeleysay garoonkeeda Old Trafford.

West Bromwich Albion goolka qura oo ay ciyaarta guusha ku adkaatay waxaa u dhaliyey 73’daqiiqo Jay Rodriguez, kaddib markii uu ka faa’iideystay koorno la soo qaaday oo uu madax ku dhaliyey, Man United ayaana 1-0 looga adkaaday.

Haddaba halkaan hoose ka eeg rikooradii laga diiwaan geliyey kulankii ka dhacay Old Trafford:-

>- West Bromwich Albion ayaa hal jeer oo qura guuldarro la kulantay shantii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay booqatay garoonka Old Trafford waxaana ay haysataa 3 guul 1 barbaro iyo 1 guuldarro, waxaana guuldaradaas qura ay timid bishii November sanadkii 2015-kii, markaasoo looga adkaaday West Brom 0-2.

>- Waxa ay noqonaysaa markii labaad ee taariikhda Premier League ay Manchester United guuldarro kala kulantay kooxda ugu hooseysa horyaalka iyadoo ku dheeleysa Old Trafford, kulanka kalena waxa uu ahaa guuldarro 2-3 ah oo ka soo gaartay Blackburn Rovers bishii December ee sanadkii 2011-kii.

>- Tan iyo markii Jose Mourinho loo magacaabay macallinka Manchester Unietd xagaagii 2016-kii, afar kooxood ayaa helay dhibco ka badan Premier League Red Devils oo heshay 140-dhibcood, waxaana ay kala yihiin Manchester City (165), Chelsea (153), Tottenham Hotspur (153) iyo Liverpool (146).

>- Macallin Darren Moore ayaa barbareeyey Alan Pardew wadar ahaan guulaha Premier League ee ah 1 guul 18 kulan, macallin WBA waa kulankiisii labaad isagoo macallin u ah kooxda.

> Tababare Darren Moore ayaa ku hoggaamiyey kooxda WBA afar dhibcood labadiisa kulan ee uu tababaraha u yahay waxaana uu haystaa 1 guul iyo 1 barbaro, isagoo aan la kulmin wax guuldarro ah, waana in la mid ah intii uu kooxda ku hoggaamiyey macallin Alan Pardew 11-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu tababaraha u ahaa kooxdaas (1 guul, 1 barbaro iyo 9 guuldarro).

>- Xiddiga goolka guusha ka dhaliyey Man United ee Jay Rodriguez ayaa dhaliyey goolal badan afartiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ka soo muuqday horyaalka Premier League waxaana uu dhaliyey 3-gool, waana in ka badan intii uu dhaliyey 26 kulan markaas ka hor.

>- Jay Rodriguez ayaa 7 gool oo uu dhaliyey lix dhibcood oo Premier League ah ku siiyey kooxdiisa WBA xilli ciyaareedkan, waana in ka badan goolasha ay dhibcaha kooxdooda ku siiyeen Gabriel Jesus (10 gool – 2 dhibcood), Roberto Firmino (15 gool – 4 dhibcood), Alexandre Lacazette (11 gool – 4 dhibcood), Alvaro Morata (11 gool, 4 dhibcood) iyo Jamie Vardy (17 gool – 5 dhibcood).

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan