La Liga: Real Madrid oo Ronlado ka maqan oo ka adkaatay Malaga – Isco & Casemiro oo ciyaarta wacdaro ka dhigeen Kulankaasi.

0
925

Madrid ayaa booqatay garoonka La Rosaleda ee ay ku ciyaarto kooxda Malaga kaasoo ay ku ciyaarayeen kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Los Blancos caawa safkeeda kuma aysan soo darin Ronaldo mana jirto dhaawac la shaaciyay uu xiddigan qabo balse waxaa wararka ay sheegayaan xiddigan in loo dhiaganayo tartanka champions league ee todobaadka soo aadan kulamada ay ciyaari doonaan.

Kroos iyo Modric ayaa sidoo kale safka koowaad ee madrid ka maqnaa.

Is badal weyn lagama dareemin safka Madrid maadaama ciyaartoyda ay noqdeen kuwa is xilqaama oo shaqadooda guta.

si kastaba Isco ayaa qeybta hore ee ciyaarta gool dhaliyey ka hor inta qeybta labaad ee ciyaarta Casemiro uu kubad kale shabaqa soo taabsiinin.

Ramos ayaa shabaqa gaaray balse calan wadaha ciyaarta ayaa ku tilmaamay kubadaasi in ay tahay garab dhaaf.

dhamaadka ciyaarta Diego Rolan ayaa hal gool usoo celiyay kooxdiisa kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-2, inkastoo daqiiqadiihii ugu dambeeyay uu yimid goolkaasi.

si kastabada ciyaarta ayaa Malaga 1-2 Madrid kusoo idlaatay, Los Blancos waxaa ay haatan fadhisaa booska saddexaad ee kala sareynta horyaalka iyadoo shaqeysatay 67-dhibcood.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan