Pep Guardiola waa macalinkii ugu horeeyay ee Spain ah kaasi oo EPL ku guuleesto

0
687

 

Pep Guardiola ayaa kooxda Man City u qaaday Premier League xili cayaareedkan 2017/18 ayagoo horyaalkan hanteen xili 5-kulan ay harsan tahay.

Guardiola wuxuu noqday maclinkii ugu horeeyay ee Spain ah kaasi oo Premier League naadi u qaado waana rikoor cusub ee uu soo kordhiyay macalinkan guusha u saaxiibka ah.

Xitaa haddii taariikhda horyaalka Ingiriiska oo dhan dib loogu laabto wixii ka xageeyo 1993 marka EPL loo bixiyay ma jirin macalin Spain ah oo horyaalka heerka kowaad Ingiriiska qaaday.

Guardiola waa macalin horyaal asigoo Bayern Munich sedex horyaal xariir ah u qaaday halka sidoo kalena Barcelona wuxuu u qaaday sedex horyaal oo xariir ah.

47-jirkaan si awood ku dheehan ayuu Man City horyaal ugu qaaday waxaana haatan bilaabatay in laga doodo awooda kooxdiisa EPL ku qabsatay inuu sii wadi karo iyo in kale.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan