Shax laga sameeyey siddeeda kooxood ee isugu soo haray Champions League – Yey kooxdaadu ku leedahay 11-ka la soo xulay?

0
1566

Waxaa shax isku dhaf ah laga sameeyey siddeeda kooxood ee isugu soo haray tartanka Champions League oo kulamada lugta hore ee siddeed dhammaadka la dheeli doono caawa iyo habeen dambe.

Kooxda Juventus ayaa caawa marti gelin doonta Real Madrid, halka Bayern Munich ay booqan doonto Sevilla, iyadoo Habeen dambe ay Barcelona soo dhaweynayso Roma, Manchester City-na ay Liverpool ku booqan doonto garoonka Anfield.

Haddaba ka hor kulamadaas Sam Tighe oo ah falaqeeye da’yar ayaa shax isku dhaf ah ka sameeyey kooxaha siddeeda ah ee isugu soo haray tartankan Koobka horyaalladda Yurub, isagoo ka soo xushay 11-laacib.

Waxaa yaab lahayd in shaxdaan laga waayey Mohamed Salah, isla markaana aysan kooxda Sevilla aysan hal xiddig ku yeelan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda isku dhaf ah ee laga sameeyey kooxaha isugu soo haray Champions League:-

Goolhaye: Alisson Becker (AS Roma).

Difaacyada: Joshua Kimmich (Bayern Munich), Samuel Umtiti (Barcelona), Giorgio Chiellini (Juventus) iyo Marcelo (Real Madrid).

Khadka Dhexe: Sergio Busquets (Barcelona), Kevin De Bruyne (Manchester City) iyo Andrés Iniesta (Barcelona).

Weerarka: Lionel Messi (Barcelona), Roberto Firmino (Liverpool) iyo Cristiano Ronaldo (Rea Madrid).

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan