Real Madrid oo ku dhow inay Barcelona ku garaacdo saxiixa daafac cajiib ah oo ka ciyaara horyaalka Serie A

0
1486

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dejineyso qorshe ay Barcelona uga dulqaadeyso saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Inter Milan Milan Skriniar.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkaan ku niyadjabsan tartannada maxalliga ah, keliya koobka UEFA Champions League ayeyna eeganeysaa.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa la filayaa inuu dayactir ku sameeyo Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkaan, taasoo keeni karta in la iibiyo ciyaartooy magac leh oo haatan ka hoos shaqeeya tababare Zinedine Zidane.

Real Madrid ayaa la fahamsan yaahy inay raadineyso daafac cusub oo dambeedka dhexe ah, si ay ula mataaniso kabtankeeda Sergio Ramos.

Wararka ayaana haatan sheegaya inay Real Madrid kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Inter Milan Milan Skriniar kaasoo diiradda u saarnaa Barcelona.

Shabakadda Don Balon ayaana sheegeysa inuu madaxweyne Perez doonayo inuu saxiixa Skriniar uga hormaro madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu. Xitaa Real Madrid ayaa wadahadallo la yeelatay wakiilka Skriniar, oo ay Barcelona u aragto bedelka Gerard Pique.

Real Madrid ayaa sidoo kale isha ku heysa saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee kooxda AC Milan Leonardo Bonucci.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan