Neymar Jr Kuma Biirayo Kooxda Real Madrid Sabab La Xiriirta Lional Messi- WARBIXIN

0
2029

Neymar ayaa u ballan qaaday Lionel Messi iyo saaxiibadiisii hore ee Barcelona inuusan ku biiri doonin kooxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayay inay xagaaga u dhaqaaqi doonto xiddiga kooxda Paris Saint-Germain.

Neymar ayaa keliya u saxiixay Paris sannadkii hore markii lacag dhan £ 198million ugu dhaqaaqy kooxda Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, guuldaradii kasoo gaartay Champions League kooxdiisa, ayaa keentay inuusan ku faraxsaneyn u ciyaarista kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska.

Barcelona Neymar Real MAdrid Lionel Mesii

Mundo Deportivo ayaa sheegtay in ciyaaryahanka reer Brazil uu ku laaban doono horyaalka La Liga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real ayaa diyaar u ah inay jabiso qiimaha rikoorka suuqa kala iibsiga haddii ay doonayaan saxiixa Neymar.

Laakiin 26 jirkaan ayaa si cad ugu sheegay Lionel Messi uusan dooneyn ku biirista kooxda Real Madrid.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Neymar ayaa doonaya inuu ku laabto Barcelona si uu mar kale uga garab ciyaaro Lional Messi.

Neymar waxa uu rajeynayaa inuu xiddiga adduunka kula tartamo Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ku guuleysanayay Ballon d’Or 10kii sanno ee lasoo dhafay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan