Muxuu qolka lebiska ee Real Madrid ka yiri xiisaha ay kooxdu u qabto saxiixa Neymar JR, miyuuse CR7 soo dhoweyn doonaa?

0
1170

Maamulka Real Madrid ayaa xagaagaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub waxay qaadi doonaan tallaabo walba oo ay kusoo xerogelin karaan weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Neymar Junior, waana qorshe ay soo dhoweeyeen ciyaartoyda Los Blancos iyo shaqaalaha tababarkuba.

Madaxweyne Florentino Perez iyo maamulka sarre ee kooxda difaacaneysa koobka UEFA Champions League ayaa haatan si adag u shaqeyn doona iyagoo doonaya inay gacanta kusoo dhigaan laacibkii hore ee kooxda Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, wakiilka xiddigaan ahna aabihiis Neymar SR wuxuu marwalba saxaafadda u sheegaa inuu mustaqbalka wiilkiisu go’aan ahaan ku jiro gacmaha kooxda Paris Saint-Germain.

Ciyaartoyda Real Madrid ayaa doorkooda qaadanaya si uu Neymar u yimaado Santiago Bernabéu Stadium, daafaca dambeedka midig ee reer Spian Dani Carvajal ayaa Khamiistii wareysi uu bixiyey ku yiri: “Maadaama uu Neymar JR dhibaato badan i marsiiyey dhowr jeer oo aan iska hornimid, waan lasoo saxiixan lahaa.”

Casemiro oo reer Brazil ah iyo daafaca reer France Raphael Varane ayaa sidoo kale wareysi ay siiyeen Idaacadda gaarka ah ee Real Madrid kusoo dhoweeyey aragtida ah in xiddigaani uu kusoo biiro kooxda ugu guulaha badan Spain.

Xitaa Casemiro wuxuu aaminsan yahay inuu Neymar ka garab ciyaari karo hogaamiyaha kooxda Los Blancos Cristiano Ronaldo isla markaana ay labadoodu si wacan iskula shaqeyn karaan maadaama uu xiddigaani ka mid yahay seddaxda ciyaaryahan ee adduunka ugu sarreeya waqtigaan.

Balse Real Madrid waa inay marka hore qandaraas cusub ku qanciso Ronaldo ka hor inta aysan keenin Neymar… CR7 ayaa doonaya inuu sannadkii mushaar ahaan u helo 50 milyan oo euros oo gaw ah sida Lionel Messi-ga Barcelona oo kale, halka Neymar uu haatan sannadkii 35 milyan oo euros ka qaato PSG.

Waxaana xusid mudan in Neymar uusan aqbali doonin inuu mushaarkiisa dhimo si uu ugu biiro Real Madrid, halka Ronaldo uusan dooneyn inuu jiro ciyaaryahan isaga ka mushaar badan oo Real Madrid ah, sidaas darteed maamulka Real Madrid waa inay sidoo kale arrimaha dhaqaalaha kooxda isku miisaamaan.

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa sidoo kale soo dhoweeyey aragtida ah inay kooxdu lasoo wareegto Neymar, wuxuuna yiri: “Maadaama aan jeclahay inaan ka garab ciyaaro xiddigaha adduunka ugu wanaagsan, waa ay iska caddahay inuu Neymar ka mid yahay ciyaartoyda adduunka ugu fiican. Sidoo kale waa ay sahlan tahay inaan Neymar kasoo qaadanno PSG marka loo barbardhigo inaan si toos ah ugala soo wareegno Barcelona”.

Marcelo ayaa sidoo kale xasilooni qaba, wuxuuna yiri markii wax laga weydiiyey mustaqbalka xiddiga ay isku dalka yihiin: “Maalin ay noqotaba Neymar wuu u ciyaari doonaa Real Madrid.”

Neymar oo haatan garoomada dhaawac uga maqan isla markaana la dagaalamaya waqtiga si uu taam ugu noqdo Koobka Adduunka ayaana la filayaa inuu lixda ama 18ka bil ee soo aadan kusoo biiro Real Madrid oo albaabka u furtay imaanshiyihiisa.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan