Manchester City oo xiddigaha ay suuqa ka doonayso ku darsatay Harry Kane & Laacib sare oo ka tirsan kooxda Real Madrid

0
775

Kooxda kubadda cagta Manchester City ee dalka Ingiriiska ayaa la soo warinayaa in xiddigaha ay suuqa ka doonayso ku darsatay Weeraryahanka Tottenham Hotspur ee Harry Kane iyo laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid, Isco.

Sida uu warinayo Warsidaha Diario Gol, Tababaraha Kooxda Sky Blues ee Pep Guardiola ayaa labadaan ciyaaryahan ee Harry Kane iyo Isco ka dhigtay bartilmaameedkiisa sare ee suuqa xagaaga.

Isco kaasoo dhawaanahan la la xiriirinayey kooxda Manchester United ayaa boos joogto ah ka waayey safka hore ee kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan, waxaana la sheegay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo meel kale.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Kane uu u soo dhaqaaqi karo garoonka Etihad haddii ay Man City la saxiixato ISco, xiddigaha xulka qaranka England uu doonayo inuu ka garab ciyaaro ciyaaryahanka reer Spain.

Kane ayaa si joogta ah loola xiriirinayay Real Madrid, laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu iska diidi doono kooxda La Liga, haddii City ay ku qarash-gareyso dalab lacageed oo wayn xagaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, Spurs ayaan dooneynin inay dhegeysato dalabyada kooxaha kale ay ku doonayaan gooldhaliyahooda ugu sarreeya ee Kane.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan