Liverpool oo si lama filaan ah ula soo wareegeysa gooldhaliye u ciyaara kooxda Real Madrid

0
956

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir la sameysay kooxda Real Madrid iyadoo ka dooneysa weeraryahanka reer France Karim Benzema.

Karim Benzema ayaa xilli ciyaareed xun ku qaadanaya horyaalka La Liga keliya afar gool ayuuna dhaliyey xilli ciyaareedkaan, waxaana la filayaa inuu dhammaadka sannad ciyaareedkaan ka tego kooxda Los Blancos.

Balse shabakadda Diario Gol ee dalka Spain ayaa sheegeysa inay Liverpool xiriir la sameysay kooxda Los Blancos si ay ugala soo wareegto Benzema oo ku jira liiska ciyaartoyda uu madaxweyne Florentino Perez dhammaadka sannad ciyaareedkaan ka diri doono Santiago Bernabeu Stadium.

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sidoo kale xiiso u qaba saxiixa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Dani Ceballos, halka kooxda difaacaneysa koobka UEFA Champions League ay dooneyso laacibka kooxda Reds Mohamed Salah, iyadoo laga yaabo in la isku dhafo heshiisyada seddaxdaan xiddig.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan