XANTA SUUQA: Robert Lewandowski oo ogolaaday inuu xagaaga ku biiro kooxda…

0
1452

Sida wararku ay sheegayaan Robert Lewandowski ayaa ogolaaday inuu u dhaqaaqo caasimadda Spain xagaaga si uu ugu biiro Real Madrid.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski uu ogolaaday inuu xagaaga u dhaqaaqo Real Madrid.

Real Madrid ayaa muddo badan ku raad-joogtay xiddiga xulka qaranka Poland waxaa ay doonaysaa inay keento Santiago Bernabeu si uu bedel wanaagsan ugu noqdo Karim Benzema.

Karim Benzema ayay u badan tahay inuu isaga tago Real Madrid haddii Robert Lewandowski uu go’aansado inuu u soo dhaqaaqo Los Blancos xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxda difaacanaysa Koobka horyaalladda Yurub ayaa hadda la soo sheegayaa inay heshiis shaqsi ah la gaartay ciyaaryahankii hore ee Weerarka uga dheeli jiray Borussia Dortmund, inkastoo aysan weli saxiixiisa heshiis kala gaarin kooxda Bayern Munich.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan