Tababare Allegri muxuu ka yiri in Juventus ay ku aaday naadiga Real Madrid

0
1571

 

Kooxda koobka horyaalada Yurub difaacaneyso Real Madrid waxaa lagu aadiyay naadiga Juventus wareega 8-aad ee Champion-ka.

Labadaan koox iskuma cusbo tartanka Yurub ayagoo horey dagaal culus u wada galeen weliba markii isugu dambeesay sanadkii hore Real Madrid 4-1 ayay koobkan kaga qaaday Juventus.

Macalin Maxi Allegri iyo kooxdiisa Juventus waxay doonayaan inay Real Madrid ka aar gutaan wuxuuna macalinkaan yiri “Waxaan hubaa labada kulan kubad cajiib badan in la cayaari doono madaama Juve iyo Real koobka Yurub taariikh u leeyihin”

“Xili cayaareedkii hore wareega 8-aad Barcelona ayaan reebnay hadana maxaa diidayo inaan Real Madrid oo koobka difaacaneyso reebno balse midaas shaqo adag ayay naga rabtaa”

“Sedex maalmood ka hor ayaan dhahay Real inay tahay kooxda ugu cad cad 8-naadi ee tartankan isugu soo haray hanashadiisa”

“Sidaa darteed hadii aan reebno kooxda koobka loo sadaalinaayo wax walbo ayaa nagala filan karaa sanadkaan”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan