Xiddiga Man United ee Marouane Fellaini oo qaab qosol leh timaha u soo sameysatay… + SAWIRRO

0
920

Xiddiga kooxda Manchester United ee Marouane Fellaini ayaa soo bandhigay qaab cusub oo qosol leh oo uu u habeystay tintiisii weyneyd.

Timaha weynaha kooxda Man Utd ayaa qaabab kala duwan tinta u soo habeysan jiray laakiin qaabkaan cusub oo uu tinta u soo sameystay haatan waa mid ka duwan qaababkii hore oo dhan.

Tima-weynaha kooxda Manchester United ee Marouane Fellaini ayaa bartiisa Instagram-ka oo dhigay sawir uu iska soo qaaday oo ah qaabka cusub ee uu tintiisa u soo sameystay.

Marouane Fellaini waxa uu taageerayaashiisa tusay qaabka cusub oo uu tinta u soo sameysatay iyadoo uu labada dhinaca ka kala xiray tintiisii weyneed ee lagu yaqiinay.

Laacibka xulka qaranka Belgium ayaan la hubin in qaabkaan cusub ee uu tintiisa u soo samaystay uu garoomada ku soo geli doono iyo haddii ay noqon doonto mid ku kooban sawir uun.

30-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu ka soo muuqdo kulanka caawa kooxdiisa Man United ku soo dhaweynayso garoonka Old Trafford naadiga Sevilla lugta labaad ee Wareegga 16-ka Champions League, markaas ayaana la arki doonaa qaabka uu ku soo galo garoonka.

Sawirrada qaabka cusub ee uu tinta u soo sameystay hoos ka eeg:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan