XASAASI: Toby Alderweireled, Samuel Umtiti & Sergej Milinkovic-Savic Oo Hal Mar Imaanaya Man Utd

0
971

Daily Star ayaa ku warameysa in Jose Mourinho uu doonayo seddex saxiix oo cusub xagaagan, Waxaana uu qorsheynayaa inuu mudnaanta koowaad siiyo dhisa difaaciisa.

Tababaraha Portugal ayaa diyaar u ah inuu lasoo saxiixdo daafac dhexe, daafaca bidix iyo xiddiga ka ciyaara khadka dhexe si uu u horumariyo awooda kooxdiisa.

Inkastoo uu xilli ciyaareedkan ku riyaaqay Manchester United oo kaalinta labaad ee Premier League kujirta, haddana Mourinho waxa uu doonayaa inuu la xifaaltamo xili ciyaareedka dambe kooxda Manchester City.

City waxay u baahan tahay kaliya seddex guul oo xiriir ah sideeda kulan ee ugu dambeya horyaalka si ay u xaqiijiso hanashada horyaalka.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu xilli ciyaareedka soo socda kusoo kordhiyo kooxdiisa seddex saxiix oo cusub.

Wargeysyada ayaa sheegaya inuu doonayo daafaca kooxda Tottenham Toby Alderweireled, ciyaaryahanka reer Belgium ayaa noqon doona bartilmaameedka ugu sarreeya Jose Mourinho.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu Mourinho isha ku hayo daafaca Barcelona Samuel Umtiti oo loo badinayo inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Waxa uu sidoo kale doonayaa daafac bidix awooda leh, isagoo lasoo saxiixan kara daafaca Tottenham Danny Rose, taa bedelkeeda Matteo Darmian ayaa lagu qasbi doonaaa inuu ka dhaqaaqo kooxda.

Waxa uu sidoo kale doonayaa Mourinho inuu keeno xididga khadka dhexe oo tayo sarre leh, waxaana ay liiska ku darsadeen ciyaaryahanka Lazio Sergej Milinkovic-Savic oo xili ciyaareed qurux badan la qaadanaya kooxdiisa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan