Wariye Soo Bandhigay Sida Qolka Labiska Arsenal Looga Necbaa Alexis Sanchez Ka Hor Ku Biiristiisa Man Utd

0
992

Ciyaartoyda Arsenal waxay naceen Alexis Sanchez ka hor inta uusan u wareegin kooxda Manchester United bishii Janaayo ee sannadkaan.

Suxufiga kasoo jeeda jarmalka ee Raphael Honigstein ayaa sheekadaan baaritaan dheeraad ah kadib soo bandhigay.

Honigstein oo kala shaqeynaya kabtan Mertersacker bookiisa cusub, ayaa shaaca ka qaaday sida ay inta badan ciyaartooyda Arsenal u faquuqi jireen xiddiga Chile ka hor ku biiristiisa Man Utd.

“Waxaa lagu soo waramayaa qolka lebiska Arsenal oo dhan in laga necebaa Alexis Sanchez,” sida jariirada Totti Football Show uu kusoo qoray wariyaha lagu magcaabo Raphael Honigstein.

“Waxay runtii ciyartooyda Arsenal u dareemeen Sanchez inuu kaliya u ciyaarayay qaabka ay u qaban laheyd kamarad, laakiin uusan hadaf iyo hami kale ka laheyn kooxda.

“Arsenal ayaa gabi ahaanba qolka labiska ka saartay xusuusta Sanchez, taasoo xitaa muujisay sida uu u xumaa xiriirka kala dhaxeeyay kooxda oo dhan.

Sanchez waxa uu si joogta ah u dalbanayay in la iibiyo, laakiin lama filaan ayay aheyd inuu u dhaqaaqo kooxda Manchester United.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan