Wargeysyada Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Talaado Ah

0
1021

Suuqa kala iibsiga ayaa xiran, laakiin kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub ayaa soo bandhigaya xiiso ay u qabaan ciyaartooy cusub.

Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ay ka qoreen wargesyada waaweyn ee ka faalooda ciyaaraha maanta oo talaado ah.

Tababarihii hore ee Watford Marco Silva ayaa ka mid ah musharaxiinta u taagan shaqada Southampton ka dib markii laga ceyriyay kooxdan tababare Mauricio Pellegrino (Mail)

Si kastaba, Silva ayaa qarka u saaran inuu ku laabto dalkiisa Portugal isagoo shaqada Benfica lala xiriirinayo. ( The Times)

Weeraryahanka Tottenham Harry Kane ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, laakiin 24 jirkaan ayaa sheegay inuu sii joogi doono Spurs (Telegraph)

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa u sheegay Real Madrid inuu ka fekeraan raadinta goolhaye kale, haddii kale uu waqti kaga lumi doono xiisaha David de Gea oo 27 jir ah (Express)

Liverpool iyo Manchester United ayaa ku rajo weyn inay lasoo saxiixdaan daafaca kooxda Lazio Stefan de Vrij, oo 26 sanno jir ah, (Star)

Chelsea ayaa isha ku heysa goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma oo 19 jir ah, haddii uu ka tago Thibaut Courtois oo 25 jir ah garoonka Stamford Bridge. (Corriere dello Sport, via Talksport)

Newcastle ayaa isku dayi doonta inay heshiiska amaah ah ee Kenedy ka dhigaan mid joogta ah, laakiin waa inay bixiyaan 15 milyan ginni haddii ay doonayaan 22 jirkaan reer Brazil. (Mirror)

Juventus ayaa ka walwalsan inay waayaan xiddiga qadka dhexe ee Liverpool Emre Can, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka, (Express)

Newcastle, Leicester iyo Southampton ayaa dhamaantood xiiseynaya 27 jirka Burnley iyo xulka Iceland Johann Berg Gudmundsson. (Sun)

Barcelona ayaa heshiis la gaartay bishii lasoo dhaafay weeraryahanka reer France Antoine Griezmann oo 26 jir ah, iyadoo Atletico Madrid ay ku guul darreysatay inay qandaraaska u kordhiso (Le10sport.com – France)

Arsenal ayaa isha ku heysa macalinka Juventus Massimiliano Allegri si uu u noqdo bedelka saxda ah ee Arsene Wenger (Star)

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan