Shaxda ay caawa ku soo geli karaan kooxaha Man United iyo Sevilla kulanka Champions League oo la sii saadaaliyey

0
671

Kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Manchester United ayaa caawa soo dhaweynaysa naadiga reer Spain ee Sevilla kulanka lugta labaad ee Wareegga 16-ka Champions League.

Kulankii lugta hore ee ka dhacay dalka Spain ayaa ku soo dhammaaday barbaro 0-0 taas ayaana ciyaarta micno gaar ah u yeeleysa oo ka dhigaysa mid dhan waliba u furan.

Manchester United

Daafacyada Phil Jones iyo Marcos Rojo ayaa labaduba tababarka ku soo noqday, laakiin shaki ayaa laga gelinayaa inay ka soo muuqan karaan kulanka caawa.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyo Anthony Martial oo gabar weerar ah ayaa labadubaseegay safkii todobaadkan wajahay kooxda Liverpool, welina shaki baa ku jira inay dhankooda safkan karaan kulanka ka dhacaya Old Trafford.

Sevilla

Waxaa shaki laga gelinayaa xiddigooda Jesus Navas kaasoo dhaawac ka qaba Kubka.

Waxaa isna dhaawac muruqa ah ku maqan Lionel Carole, halka uu tababarka ku soo laabtay Sebastien Corchia oo sheeganayey xanuun dhinaca gumaarka ah.

HADDABA HOOS KA EEG SHAXDA AY CAAWA GAROONKA KU SOO GELI KARAAN LABADA KOOXOOD:-

Shaxda Man Utd

Shaxda Sevilla

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan