RASMI: Tababare Caan Ah Oo Laga Ceyriyay Premier League & Taageerayaal Badan Oo Ku Farxay

0
3359

Southampton ayaa ceyrisay tababare Mauricio Pellegrino ka dib markii uu qaab ciyaareed xun ka sameeyay kooxda ka dhisan xeebaha Ingiriiska.

Guuldarro 3-0 ah oo kasoo gaartay Newcastle United ayaa keentay inay hal guul kaliya gaarto kooxda Southampton 17kii kulan ee ugu dambeyay Premier League.

Waxay hal dhibic ka sareeyaan seddexda koox ee ugu hooseeya Premier League, iyadoo kaliya sideed kulan uu ka haray horyaalka.

kulanka soo socda waxay quarter-finalka FA Cup ku wajahayaaan Wigan Athletic ka hor safarka muhimka ah oo ay horyaaalka kula kulmayaan kooxda kaalinta 16aad ee West Ham.

Southampton ayaa kaga mahadcelisay tababare Mauricio Pellegrino shaqadii uu qabtay mudadii uu ku sugnaa kooxda, waxaana loo rajeeyay waqti wacan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan