Neymar JR oo aabihiis u sheegay hadal ka farxiyey Real Madrid kana nixiyey jamaahiirta Barcelona

0
1261

Neymar JR ayaa u sheegay aabihiis inuu doonayo in heshiis walba oo uu kula biirayo kooxda Real Madrid la dhammeystiro ka hor Koobka Adduunka, sida ay sheegayaan warbaahinta France.

26 sanno jirkaan reer Brazil ayaa kooxda Paris Saint-Germain uga soo biiray Barcelona xagaagii lasoo dhaafay markaasoo lagula soo wareegay 198 milyan oo ginni.

Balse Neymar ayaa si xoogan loola xiriirinayey ku biirista kooxda Los Blancos, iyadoo maamulka Santiago Bernabeu Stadium ay u arkaan bedelka Cristiano Ronaldo.

Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Diaro Sport ee dalka Spain ayaa ku warameysa in uusan Neymar dooneyn inuu aado dalka Russia iyadoo uusan mustaqbalkiisu kala caddeyn, waana sabbata uu u doonayo in heshiiska uu kula biirayo Real Madrid la dhammeystiro ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka Russia.

Aabaha dhalay Neymar oo sidoo kalena ah wakiilkiisa ayaana haatan isha ku haya in uu wadahadal la yeesho kooxda Real Madrid ka hor inta uusan dhammaan sannad ciyaareedkaani.

Waxaa intaas sii dheer inuu wargeyska AS ee dalka Spain qorayo inay shirkadda NIKE diyaar u tahay inay bixiso qeyb ka mid ah lacagta ay Real Madrid kula wareegeyso Neymar oo markale noqon doona laacibka adduunka ugu qaalisan, maadaama qandaraaskiisa PSG lagu burburin karo 355 milyan oo ginni.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan