Miyuu Philippe Coutinho Aaminsan Yahay In Neymar Kusoo Laabanayo Camp Nou?

0
996

Kubadsameeyaha kooxda Barcelona Philippe Coutinho ayaa ka hadlay wararka la xiriirinayo saaxiibkiisa xulka Brazil Neymar inuu ku laabanayo Camp Nou.

26 jirkaan oo ku biiray Paris Saint-Germain bilowgii xilli ciyaareedkan, ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneyn nolosha caasimada Faransiiska, waxaana jira warar sheegaya inuu doonayo ku laabashada La Liga.

Xiddiga Barcelona Ivan Rakitic ayaa isbuucaan sheegay inuu Neymar kusoo dhaweyn lahaa gacmo furan haddii uu doonayo inuu kusoo laabto Blaugrana.

“Neymar noloshiisa waa Paris, laakiin waxaan dareemayaa dareen lamid ah kan Rakitic,” Coutinho ayaa sidaasi u sheegay jariirada Marca.

“Waa ciyaaryahan weyn oo aan kawada ciyaarnay heer caalami, waa wax weyn hadii uu kusoo laabanayo halkaan, dabcan waxaan u furi lahaaa albaabka”.

Inkastoo Neymar la rumeysan yahay inuusan ku faraxsaneyn Paris, haddana qaab ciyaareed fiican ayuu ku soo bandhigay PSG xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 29 gool 30 kulan oo uu u saftay kooxdiisa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan